Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Waraaboow mar run sheeg

Recommended Posts

Faysal Cali Waraabe: Isma aan lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta qof laga soo magacaabo Muqdisho

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay xilligan ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nadaafada ah, oo aan wax laga qaban tan iyo dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sheegay in guryo waa weyn oo Hargeysa laga dhisay xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay weli taagan yihiin, ayada oo aan wax dayactir ah lagu sameyn, ayada oo madaxda Somaliland muddo 28 sano ah ay dhisi waayeen guryahaas oo kale.

“Runtii wax na looga sheekeynayo ma ahan waxa caasimadda Hargeysa ka jira oo indhaheena ayaan ku aragnaa, xaqiiqdii guryahaan waxaa dhistay dowladdii aanu ridnay ee qabiilka ahayd ee na xasuuqday, ismaan lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta dadkii laga soo magacaabi jiray Muqdisho.”

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in mas’uuliyiinta hadda maamusha Somaliland aysan garaneyn wax aan ka ahayn “inay wax cunaan” oo aysan waxba dhisin.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inay u tagi doonaan madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay kala hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin golaha wakiilada ee aan la beddelin 17-ka sano iyo dowladda hoose ee Hargeysa oo uu ugu yeeray mid aan sharci ahayn.

Faysal Cali Waraabe waxaa uu hadalkan sheegay xilli maanta uu booqasho ku tegay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, oo nadaafad xumo baahsan ay ka jirto.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.