Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqaalaha gobolka Banaadir oo aqoonsiyada ay ka dhacsan yihiin dhowr bil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadkiiba mar ayey aheyd in la badalo aqoonsiyada shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir, hase yeeshee muddo ka badan sanad ma jirto wax dib u eegis ah oo lagu sameeyay aqoonsiyada qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda Hoose,  sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ugu yaraan 10 qof ayey la kulantay Caasimada Online oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda Hoose, kuwaas oo ay kaararkooda shaqada dhacsan yihiin 9 bil ilaa sanad, waxayna si joogto ah iyaga iyo boqolaal kale ugu xaadiraan shaqada dowladda Hoose.

Marka qofka kaarkiisa la eegayo waxaa laga hubiyaa kaliya sawirka, lamana eego taariikhda iyo inuu dhacsan yahay iyo in kale.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in aan la ogayn tiro kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose oo la waayay balse la sheegay in ay dibadda aadeen qaarkoodna loo calamadeeyay in ay geeriyoodeen, laakiin ma jirto cid xaqiijin karta sababaha ay dadkaan u maqan yihiin.

Xubno kamid ah shaqaalaha mas’uuliyiinta gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in aqoonsiyada dowladda Hoose la aaminsan yahay in ay u gacan galeen Al-Shabaab islamarkaana lagu fulin karo waxkasta haddii aan dib u eegis deg deg ah lagu sameyn.

“Basiira Cabdi oo is qarxisay waxay heysatay aqooniyada shaqo ee dowladda Hoose, muddo aye Al-Shabaab ku maqneed, qole kale ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku maqan yihiin walina naqshada lagama badalin kaararka shaqada dadkana isma yaqaanaan iyo ciidamabaduba” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir.

Qofka ugu dhaw ee ka tirsan shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar ayaa ogaanay in aqoonsigiisa uu dhacay Bishii Febrayao ee sanadkaan, ilaa hadana aysan jirin cid wax ka qabatay, taasi oo dhalin karta halis amni oo la mid tii dhacday 24-kii July ee uu ku dhintay allaha u naxariisteeduqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this