Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Dabageed oo weerar culus ku qaaday madaxda HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Yuusuf Dagabeed ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan oo is biirsaday ay ka jiraan deegaanada maamulkaasi, islamarkaana laga gaabiyey in wax laga qabto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda sare ee maamulka HirShabelle ay ku fashilmeen arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay go’doomisay labada magaallo ee Jowhar iyo Beledweyne.

Dabageed ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in dagaalyahannada Shabaab ay joogaan meel wax ka yar 5m KM u jirta Beledweyne, taasina ay halis ku tahay amniga.

“Waa nasiib darro in xaalada amni darro intaas la eg ay Hir-Shabeelle ka jirto madaxda Hirshabelle ay ka amusaan, waxaan  dhihi karaa waa fashilmeen dadka Hir-Shabelle xukunka haayo.” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay sii xoogeysanayeen dhibaatooyinka amni ee ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Inta badan Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi ayaa weeraro jid gal ah ka fulisa waddooyinka muhiimka ah, sida mida dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this