Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Dhulka oo ka warbixiyey qaraxii lagula eegtay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed, General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hoteel uu ka daganaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dirir ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo uu isagu la socday balse uu ka badbaaday.

Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ugu yaraan 6 askari oo ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, sidoo kalena ay jirto waxyeelo soo gaartay dad rayid ah.

Dhinaca kale ilo madax banaan oo ay la hadashay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxaani ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ahaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Hoteelka uu qaraxu banaakiisa ka dhacay ayaa waxa uu ku yaallaa gadiga koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaasi ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland ayaa si kulul u camnaareysay weerarkaan, kadib war ka soo baxay wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamulkaasi.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay ka xun tahay weerarkaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu dambeyn wuxuu Alle uga baryey dadka qaraxaasi ku geeriyooday in uu naxariistii Jano ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Alle Bogsiiiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this