Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Muxuu salka ku hayaa socdaalka Cumar Cabdirashiid ee Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   
Sharmarke.jpg?w=1000&ssl=1Siyaasi Cumar Cabdirashiid

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay in uu Garoowe u yimid ka qeyb-galka Munaasabadda Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire, oo 25-ka bishan December ka dhacaysa  tuulada Jeedalow oo ka tirsan degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, waxa uu xusay in socdaalkiisu la xiriiro sidiii mas’uuliyiinta iyo shacabka Puntland uu kala tashan lahaa sharciga doorashooyinka dalka ee horyaalla Golaha Shacabka Soomaaliya.

Balse, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in socdaalka Cumar Cabdirashiid uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo ay kamid yihiin dhex-dhexaadinta madaxweyne Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Karkaar oo mucaaradsan xukuumadda Puntland iyo sidoo kale  arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-da.

Wararku waxay intaasi ku darayaan, in mudane Cumar Cabdirashiid uu horay khadka Taleefonka ugula hadlay madaxweyne Deni, isagoo u ballan-qaaday in uu dhex-dhexaadin ka galayo khilaaf u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho oo dowladda mucaaradsan.

Sidoo kale, siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa doonaya in uu madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa ku qanciyo qorshe is-xulafaysi siyaasadeed ah oo ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020/2021.

PUNTLAND POST

The post XOG: Muxuu salka ku hayaa socdaalka Cumar Cabdirashiid ee Garoowe? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this