Deeq A. Posted December 21, 2019 Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu dabaal degayo sanad guurada 76aad ee aas aaska ciidank Booliska Soomaaliyeed ayaa haatan ka socoto xarunta gadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis 20 December ee sanadkii 1943 ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliya, waxaana maanta 76 guurada ciidanka booliska ay ka socotaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay iminka ku sii qul qulayaan Madaxda dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale. Ciidamada booliska ayaa lagu wadaa inay goobta ku soo bandhigaan gaaddo ka cayaar iyo hannaanka looga hortegayo falalka argagixisada iyo marka ay rabshado dhacaan Ammaanka waddooyinka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites