Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiini ku jira xabsi ay Yahuudda maamusho oo si yaab leh ilmo loogu dhalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hebron (Caasimada Online) – Maxbuus Rizk Bahaa Ali Al-Haroub oo 35 jir ayaa waxaa loo dhalay wiil kadib markii shahwadiisa uu si qarsoodi ah uga soo dhiibay xabsi ay ku hayaan Yahuudda, kadibna lagu beeray xaaskiisa.

Al-Haroub oo kasoo jeeda magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ayaa waxaa la xiray toban sano ka hor, waxaana uu ku xukuman yahay xabsi daa’in, oo rajo lagama qabo in lasii daayo.

Xaaska Al-Haroub oo dhowr bilood ka hor lagu beeray ilmaha ayaa ugu dambeyn umushay asbuucan, ayada oo dhashay wiil, kaasi oo sawirradiisa ay la wadaagtay caalamka.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haystaan Yahuudda ayaa sanadihii dhowaa waxay si qarsoodi ah shahwo uga soo dhiibayeen xabsiyada. Badankood ayaa ah kuwa ku xukuman xabsiyo sanado badan ah ama xabsi da’ain.

Ilaalada xabsiyada Yahuudda ayaa marar badan isku dayey inay ka hor-tagaan in si qarsoodi ah shahwada looga soo saaro xabsiyada, waxayna qaadeen tallaabooyin dhowr ah, balse waa ay ku guul-darreysteen inay ka hor-tagaan.

Sida ay shaacisay Xarunta Daraasaadka Maxaabiista Falastiiniyiinta, 50 caruur ayaa ku dhashay shahwo si qarsoodi ah ay maxaabiis usoo dhiibeen oo kadibna lagu shubay xaasaskooda.

Maxaabiista badankood ayaa sidan u samaynaya in maadaama aysan dib usoo baxeyn ay dhallaan caruur sii wadda halganka iyo jihaadka lagu xoreynayo dhulka Falastiin.

Waxay sidoo kale tani ay tahay farriin Yahuudda loogu sheegayo in si kasta oo ay u xiraan ama u dilaan, aysan marnaba shacabka Falastiin tirmi doonin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this