Sign in to follow this  
Deeq A.

Xareynta odayaasha soo xulaya B/Galmudug oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Saacadihii  lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Munaasabad lagu Daah-furayay xaraynta Odayaasha oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madax kale.

Guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ayaa soo saaray hab-raaca doorashada, waxaana la xaqiijiyay Odayaasha dhaqanka ee ah Saxiixayaasha ka ah dhismaha maamulka loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Hannaanka dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa haatan maraya meel gabo-gaba ah, waxana door weyn ku leh dar-dar gelinta howlaha maamulka Guddiga farsamada iyo Wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

20191219_194704.jpg 20191219_194715.jpg 20191219_194733-1.jpg 20191219_194744.jpg 20191219_194754.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this