Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma ayaa deynta laga wada cafin doonaa Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyey warbixintii ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka (IMF), taas oo ahayd meel-marinta qorshaha  Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiir Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda IMF ay Soomaaliya ay aad ugala shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu socdo qorshe deynta Soomaaliya lagaga wada cafinayo bisha labaad ee sanadka soo socda 2020.

Guddiga fulinta hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ayaa shalay meelmariyey qorshe Maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya. waxayna Kristalina Georgieva Agaasimaha hay’adaas oo shir jaraa’id qabatay bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiir Beyle.

PUNTLAND POST

The post Goorma ayaa deynta laga wada cafin doonaa Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this