Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Maxbuus geeriyooday iyo Taliye shaqada looga joojiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
General-Maxamed-Shiikh-Cumar-Xirsiile-32Gen. Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile

Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Gen. Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, kadib markii eedeyn loo jeediyey.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Warbaahinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey Taliyaha Xabsiga Dhexe, isla markaana la magacaabay Guddi baaraya sida uu ku dhacay kiiska lagu eedeeyey oo ahaa maxbuus 8 sano oo xabsi ah ku xukunaa oo 16-kii bishan geeriyooday.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa lagu eedeyey in uu Isbitaal si xoog ah uga saaray marxuum Xasan Kurtun Calasow oo eheladiisu geysay isbitaalkaas, balse Taliyaha ayaa iska difaacay eedeyntaas wuxuuna sheegay in xabsiga amar la’aan looga saarey maxbuuskaas, kadibna uu ugu tagay isbitaal gaar ah, uuna ka soo saaray oo geeyey mid dowladdu leedahay, base uu saacado kadib geeriyooday maxbuuskaas.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqal lagu sheegay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Isbitaal ku yaala Muqdisho kala baxaya bukaan.

Dhanka kale qoyska maxbuuska geeriyooday ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanaya awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka oo kala baxay bukaanka, waxayna sheegeen in aan marxuumka la’aasi doonin inta ay ka helayaan caddaalad.

Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka Ciidanka Asluubta.

Taliye shaqada looga joojiyey maxbuus geeriyooday

Posted by Puntland Post on Wednesday, December 18, 2019

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Maxbuus geeriyooday iyo Taliye shaqada looga joojiyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this