Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo ku wajahan magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa koowad ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiye Mursal oo wafdigiisa ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda sanad guurada koowaada ee ka soo wareegtay markii madaxweynaha dowlad K/Galbeed Soomaaliya loo doortay C/casiis Lafta Gareen.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb gali doono xafladaasi.

Lafta Gareen waa madaxweynihii labaad ee Koonfur Galbeed, tan iyi markii la aas aasay maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this