Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Kongareyska Maraykanka oo maanta u codaynaya xilka xayuubinta Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wakiilada dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Arbaco ah u cod u codayn doona in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump iyo in kale.

Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda  u codeeyaan laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump.

Labadaas qodob ayaa waxaa toddobaadkii tegay ansixiyey guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ka si loogu gudbiyo golaha.

Dimoqraadiyiinta ayaa Trump  ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii seddexaad ee lagu soo oogo dacwad xilka-xayuubin ah isagoo xafiiska jooga.

Haddii go’aankan ay isku raacaan xubnaha Aqalka hoose ee Kongeyska Maraykanka , waxaa loo gudbin doonaa aqalka Senate-ka oo si uu ansixiyo.

PUNTLAND POST

The post Golaha Kongareyska Maraykanka oo maanta u codaynaya xilka xayuubinta Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this