Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Golaha Shacabka oo Su’aalo weydiinaya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka  Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in uu hortago Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ku qoran Ajendaha kulanka maanta  ee Golaha Shacabka, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa hortagaya Golaha, si Xildhibaannadu wax uga weydiiyaan shaqadiisa.

Mudanayaasha  ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiin doona, arrimo la xiriira howlgallada ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka  iyo sidoo kale arrimo ku saabsan hawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka,  ayaa maalmihii u dambeeyay soo waday la xisaabtanka Wasiiradda Xukuumadda Federaalka, waxaana ay horay su’aalo u soo weydiiyeen, Wasiirada Amniga,Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Golaha Shacabka oo Su’aalo weydiinaya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this