Maaddeey

Salman Rushdie

Recommended Posts

Maaddeey   

Ahmad Salman Rushdie

Wuxuu ku dhashay Bombay (Mumbai) 1947. Aabbihiis wuxuu ahaa ganacsade maalqabeen ah, wuxuu wax ku soo bartay Iskool gaar loo leeyahay (Private) oo Bombay ku yaal, ka hor intuusan ku soo biirin Iskool kale oo England ku yaal, waxbarashadiisii buu sii watay ilaa uu Cambridge ka bartay Taariikh.

Shahaadada M. A. Markuu Cambridge ka qaatay 1964 buu Ku laabtay Pakistan, halkaas uu mid ka mid ah TV-yada shaqo ka bilaabay balase kuma raagin oo dhaqsidiiba wuxuu ku soo laabtay England, halkaasoo 70nadii badankeed uu u shaqaynayay Shirkad xayaysiis.

Salmaan, sida aad magaciisaba ka garato wuxuu ahaa yaraantiisa wiil lagu tarbiyeeyey Islaam.

Awowgii, -oo dhaqtar naxariis badan ahaa- wuxuu ahaa nin Ahlu-Diin ah, Ahlu-Salaat ah soona Xajiyey.

Salmaan, yaraantiisii xataa, fikradaha Ilxaadka wuu qabay ama way ku soo dhici jireen!. Taa waxaad ka garan gartaa, qisadan dhex martay isaga & awowgii, wuxuu yiri (Rushdie):

Rushdie: Awoowe, anigu ma aamminsani Allah!.
Awoowgii: Wallahi?, bal halkan soo fariiso, oo iiga sheekee!.

Buuggiisa The Satanic Verses.

Buuggan wuxuu daabacay 1988, waa nooca novel-ka loo qoro hab jees-jees ah (satire).

Buugga waxaa ka helay qolyahay wax naqdiya/qiimeeya (critics), Abaalmarinna wuu helay balse wuxuu kala kulmay cambaarayn ballaaran dunida Muslimka waayo sida ixtiraam darrada ah ee uu uga sheekeeyay Nabi Muxammad صلى الله عليه وآله وسلم.

Buuggii xumaa, waxaa laga mamnuucay waddamo badan oy ka mid yihiin: Venezuela, Singapore, Thailand, Srilanka, South Africa, Tanzania, Kenya iyo -dabcan- India.

Mudaaharaadyo waawayn baa ka dhacay dunida Muslimka iyo meel walba ay Muslimiintu ku badanyihiin, tan aad u baqdin gelisay waa ta boqortooyada midowday (UK).

Isagoo ka fal celinaya mudaaharaadyadaas ayuu Salman Rushdie dhamaadka January 1988 ku qoray maqaal wargayska the Observer ayaa ugu yeeray Rasuulka inuu ka mid yahay Cabaaqirada Adduunka (world geniuses) aadna uga qoomamaynayo dhibta daabacaadda buuggu u gaystay Muslimiinta!, balse wuxuu raaciyey in Diinta Islaamku, Muxammad صلى الله عليه وسلم uu agteeda ka yahay bin aadam, qaladna ka dhici karo!! (Taa oo Muslimiintu u arkeen in ay tahay isku day daciif ah iyo boor isku qarin), isagoo ku daray: “Buuggu maba ka soo horjeedo Islaamka ee wuxuu isku dayayaa inuu wax ka qoro barakaca, walaaciisa iyo is beddelladiisa”

Wax ka yar bil Ayatollah Khomeini baa Fatwa in la dilo Salman Rushdie soo saaray, abaalgud lacag ahna madaxiisa waa la dul saaray.

Arrinta la yaabka leh waxay tahay in buugga Rushdie aan laga mamnuucin Iran isla qacdii hore sida ay dawladaha Islaamku sameeyeen, balse loo sameeyey Review, laguna dul aqriyey Khomeini oo ay isku maalin laga mamnuucay India oo Mushrikiin lo’ caabud ah u badanyihiin, xukumaanna!.

Markii Salman Rushdie nolosha ku ciririyowday, naftiisana u baqay, xaaskiisii Maraykanka ahayd ka tagtay, Pakistan inuu soo galo laga mamnuucay, dhuumashona lagu qasbay, in badan oo buugga luqado kale u tarjumayna la dilay ama la dhaawacay ayuu tab kale la yimid!.

Maalintii 24 December 1990 wuxuu soo saaray Caddayn isagoo ku dhawaaqay Shahaadataynka. Isagoo sheeganaya inuu tawbad keenay, cusboonaysiiyayna Iimaankiisa wuxuu yiri:  Kuma waafaqsani jilayaasha buugga The satanic Verses, copy jaldiyaysanna uusan dib u daabacayn.

Sida Zanaadiqada lagu yaqaan tawbadii buu ka laabtay, mar kalena wuu riddoobay!.

Khomaini muxuu fatwada u soo saaray

Waxaa jira chapter buugga ka mid ah oo uu ku maagay Khomeini intuu uu musaafiriska ku joogay Faransiiska, isagoo u ekeysiiyay wax waalan oo dad cun ah. 

Waxaa kaloo jirta in Salman Rushdie uu    Xayaysiiska buuggiisa uu meelo kala duwan,  Chapter-ka jilaaga (character-ka) Khomeini uga sheekeynayey. Sidaa darteed dad badan waxay rumaysanyihiin in Fatwada Khomeini ay la xiriirto sawirka uu Salman Rushdie ka bixiyey Khomeini.

Waxaa la ogyahay in Iran Fatwada ka laabatay 1998 haddana ku celiyeen haddana ka laabteen lkn aysan si official ah uga laaban karin maadaama qofkii soo saaray dhintay!.

Sheekada Buugga!.

Dad badan ma oga waxa buugga ku qoran, Cinwaanka iyo Fatwadii Khomeini ayay isaga kaaftoomeen.

Maxaa ku qoran buugga?.

Buugga sheekadiisu waxay ku dhisantahay qiso munkar ah oo kutubta sunanka, masaaniidda iyo inta badan kutubta xadiiska aysan werin balse ku taal keliya kutubta Tafsiirka iyo hal Musnad oo kale.

Culimo badan oo Ibnu Khuzayma ka mid yahay waxay sheegeen inuu yahay من وضع الزنادقة (gaalada is qarisa sida Salma Rushdie ahaa), Qaadii Ciyaad iyo Nawawi oo Saxiixu Muslimka sharxay, Al Qaadi ibn al Carabi al Maaliki oo baac dheer u leh tafsiirka Quraanka iyo Sunnada si daran bay u naqdiyeen, waxaa la dhihi karaa, Culimada kulligood waa isku raaceen in Mawduuc tahay, qaar yar maahee oo iyagana fasiraad aan Tawxiidka iyo Risaalada gef ku ahayn.

Ahmed Shakir (Muxadith-ka wayn ee Masar), Shanqiiti (Mufassirka, encyclopedi-ga ah), Albaani-na risaala yar ayuuba ka allifay oo uu ka cabbiray inuu hoobiye u rakibtay!.

Sidan horay u sheegay, Culimada Tafsiirka waxay ku weriyeen aayadaha suurat al Xajj:

وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ وَلا نَبِيٍّ إِلاَّ إِذَا تَمَنَّى أَلْقَى الشَّيْطَانُ فِي أُمْنِيَّتِهِ فَيَنسَخُ اللَّهُ مَا يُلْقِي الشَّيْطَانُ ثُمَّ يُحْكِمُ اللَّهُ آيَاتِهِ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ (52) لِيَجْعَلَ مَا يُلْقِي الشَّيْطَانُ فِتْنَةً لِّلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْقَاسِيَةِ قُلُوبُهُمْ وَإِنَّ الظَّالِمِينَ لَفِي شِقَاقٍ بَعِيدٍ (53) وَلِيَعْلَمَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَيُؤْمِنُوا بِهِ فَتُخْبِتَ لَهُ قُلُوبُهُمْ وَإِنَّ اللَّهَ لَهَادِ الَّذِينَ آمَنُوا إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ)

Haddaad doonto ka fiiri Ibn Kathiir-ka.

Qisada Munkarka ah.

Qisada waxay u dhacaysaa sidan:

قال ابن أبي حاتم حدثنا يونس بن حبيب حدثنا أبو داود حدثنا شعبة عن أبي بشر عن سعيد بن جبير قال قرأ رسول الله صلى الله عليه وسلم بمكة النجم فلما بلغ هذا الموضع( أفرأيتم اللات والعزى ومناة الثالثة الأخرى) قال فألقى الشيطان على لسانه تلك الغرانيق العلى وإن شفاعتهن ترتجى قالوا ما ذكر آلهتنا بخير قبل اليوم فسجد وسجدوا فأنزل الله عز وجل هذه الآية( وما أرسلنا من قبلك من رسول ولا نبي إلا إذا تمنى ألقى الشيطان في أمنيته فينسخ الله ما يلقي الشيطان ثم يحكم الله آياته والله عليم حكيم).

Aayadaha Shaydaanka kama wadin Quraanka ee waa in yar oo Shaydaanku damcay inuu Quraanka ku daro sida ay qisada munkarka ah dhigayso.

Rushdie wuxuu ahaa Zindiiq (Mulxid is qariya), Zanaadiqada waxay soo if baxeen waqtigii Salafka, qaar badan oo Awliyo loo yaqaan baa ka mid ahaa oo qaarkood loo dilay Zandaqada darteed.

Dhammaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.