Deeq A. Posted December 10, 2019 Mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa maanta xasaanadii ka qaaday xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ahaa guddoomihii golaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Xildhibaanada ayaa mooshinkaan oo ay gudbiyeen illaa 38 Mudane waxa ay u qaadeen cod gacan taag ah, waxaana si aqlabiyad leh ku ogolaaday 39 xildhibaan, halka uu ka aamusay guddoomiyaha golaha wakiilada, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu jabiyey dastuurka u yaalla maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mooshinkaasi ay gadaal ka riixeysay xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo kalsoon yahay. Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday 7-dii bishii hore ee November ee sanadkaan 2019-ka ayaa haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites