Deeq A. Posted December 10, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli xiisado dagaal laga dareemayo deegaano dhaca bariga gobolkaasi. Maleeshiyaad beeleed labadii maalin ee la soo dhaafay ku dagaalamay halkaasi ayaa weli isku horfadhiya agagaarka deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. Dhinaca kale waxgaradka deegaanka ayaa wada dadaallo nabadeed oo lagu dhexe dhexaadinayo labadaasi dhinac. Shalay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo isku dhaf ah ay u direyso gobolka Mudug, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites