Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxtooyada Puntland oo mar kale abaabushay mooshin ka dhana Dhooba-daareed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo’ xog-ogaal ah oo ku sugan Garoowe, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in xukuumadda Puntland ay dabada ka riixayso mooshin xubinnimada Baarlamanka looga saarayo, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka, ayaa la xaqiijiyay in ay saxiixeen mooshinka, oo ay ku qoran yihiin eedaymo ka dhan ah xil. Cabdixakiin Dhoobo, islamarkaana Golaha looga dalbanayo in ay xasaanadda ka qaadaan mudanahaasi, oo kulamada Baarlamanka ka maqnaa tan iyo markii 7-dii November ee sannadkan xilkii looga qaaday mooshin ay soo abaabushay madaxtooyada Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda diyaarsatay kooram ku filan,si ay xubinnimada Baarlamanka uga saarto xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed, kadib markii ay mudanayaasha ku qancisay in xildhibaankaasi ku hawllanyahay dhismaha dowlad goboleed cusub oo ka madax-bannaan Puntland.

Mudane Dhooba-daareed, oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, ayaa maalmahan halkaasi ka waday dhaqdhaqaaq la xiriira, in maamul goonniya oo Puntland iyo Somaliland ka madax-bannaan loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana la sheegaya in uu Addis shirar kala duwan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jaaliyadaha SSC ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxtooyada Puntland oo mar kale abaabushay mooshin ka dhana Dhooba-daareed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this