Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo olole ka dhex billaabay xildhibaanada kadib markii ay diideen Kheyre iyo Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa olole ka dhex billaabay xildhibaanada baarlamanka, isaga oo isku dayaya inuu ka hortago in la ansixiyo sharciga doorashooyinka dalka oo horyaalla baarlamanka.

Xildhibaano dhowr ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in la ansixiyo sharcigii ay golaha wasiirada ansixiyeen bishii May, kaasi oo ogolaanaya in madaxweynaha waqtiga loo kordhin karo, haddii doorasho la qaban waayo. Sharcigaas ayaa waxaa wax ka beddel ku sameeyey guddi hoosaad uu baarlamanka u xil saaray.

Waxay sidoo kale sheegeen inay aad ula yaabaan nooca doorashada ee madaxweynuhu doonayo oo ah doorasho qof-iyo-cod ah laakin si kale loo dhigay.

Doorashadan ayaa ah mid aan ka dhaceyn dalka oo dhan balse lagu qabanayo Muqdisho kaliya. Sidoo kale kama qeyb-galayaan shacabka oo dhan balse waxaa codeynaya kaliya ergo ka mid ah shacabka oo meel la isugu keenayo.

Ergada la isugu keenayo Muqdisho ayaa wakiil ka noqonaya shacabka oo dhan, waxaana tuhun laga qabaa in intooda badan laga soo xulo taageerayaasha madaxweynaha, taasi oo dib u doorasho fudud siin karta madaxweynaha.

“Waxaan illaa iyo hadda la yaabanahay oo maskaxdayda qaadan la’ sida madaxweynaha ugu fakaray arrintan oo kale, xitaa caqliga saliimka ah ayaa diidadaya dhowr boqol oo qof ama kun ayaa shacabka dhan matalaya” waxaa sidaas yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka iyo xisbiga UPD oo la hadlay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu dhowaanaha kulamo la qaadanayey qaar ka mid ah xildhibaanada, isaga oo ka dhaadhicinaya inay sharciga horyaalla baarlamanka ansixin.

Isku dayga cusub ee madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha uu ku guul-darreystay inuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ka dhaadhiciyo in sharciga laga hortago, kadib kulan dhacay 27-kii November.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in qodobka 89-aad ee dastuurku qorayo in madaxweynaha ay doortaan baarlamanka, islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn qorshaha madaxweynaha, oo aan dastuuri ahayn, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ku raacsan.

Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this