Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo la wareegay Hotel la suray Calanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Laas-Caanood (Caasimadda Online) – Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta waxaa ay si awood ah ku galeen kulana wareegeen Hotel Maanta laga furay Magaaladaas.

Ciidamada Booliska Soomaaliland oo wata hubka koocyadiisa kala duwna ayaa tegay hotelka, iyaga oo ka dejiyey Calamada Soomaaliya iyo Kenya oo la surey, xilli ay socotay Munaasabad xariga looga jarayey Hotelka.

Sidoo kale ciidamada Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen qaar kamid ah Milkiilayaasha Hotelka iyo Wariyeyaal halkaasi u tegay soo tebinta daahfurka Hotelkaasi.

Dadkii ku sugnaa Hotelka ayaa badi la sheegay inay goobta ka carareen, kadib markii Ciidamadu tageen Hotelka,sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay Munaasabadda furitaanka.

Ujeedka ka dambeysay arintan oo  ciidamada Soomaaliland ay ula wareegeen Hotelka ayaa lagu sheegay inay tahay iyagoo kasoo horjeeda Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah ee la suray Hotelka, iyada oo ay xusid mudan tahay in Soomaaliland dhowr mar ay xirtay dad Hargeysa ku xirtay dhar loo ekeysiiyey Calanka Soomaaliya.

Somaliland ayaa horey u sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sidaas darteedna aan calan Soomaali ah lagu dhex wadan karin dhulalka uu ka taliyo maamulkaas, waxayna ilaa hadda ku guuleysan la’dahay inay hesho hal wadan oo aqoonsi siiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan madaxtooyada Villa Somalia casuumaad ugu sameysay wiil dhallinyaro oo ay Somaliland xabsi u gelisay inuu dhar Calanka Soomaaliya ah uu ku dhex watay Magaalada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this