Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Xukun lagu riday Askari lagu eedeeyey dilka Haweeney ganacsato aheyd

Recommended Posts

Deeq A.   
12-1.jpg?w=1000&ssl=1

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askari loo heysto dilka haweeney ganacsato ahayd.

Askariga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed, oo  dilkeedu 3 May ee sanadkan ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose.

Kiiskan oo muddo soo socday ayaa maanta Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxay Cabdullaahi Cali Cumar ku riday xukun dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdullaahi Cali Cumar uu u furan yahay Rafcaan ku siman Sodon cisho.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa marar badan dilal u geystay dad shacab ah.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Xukun lagu riday Askari lagu eedeeyey dilka Haweeney ganacsato aheyd appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this