Sign in to follow this  
Deeq A.

“Cirro Wuxuu Iiga Warramay Doodda Isaga Maxamed Biixi Yoonis Ay Beesha Caalamka Gaadhsiiyeen” W/Q Maxamed Haaruun Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi

Gudoomiye Cirro oo 2017 ay iigu dambaysay iyo team kiisa ayaa aan galabta Nairobi kula kulmay. Xataa marar dhawr ah oo labadaas sanadood ee aan hawlaha xisbiga ka sii maqnaa aan Hargeysa tegay, ma aanu kulmin oo safarro debedda ah ayaa uu ku maqnaa. Waxa uu iiga warramay dooddii isaga iyo Maxamed Biixi Yoonis ay ula tegeen wakiilada waddamadii dhawaan soo saaray qoralkii cambaaraynta ahaa ee ka dhashay tasarufaadka sharci darada ahaa ee Madaxwayne Biixi iyo saxiibkii Kaahin ay waayadan dambe ku kaceen. Waxa ay u sheegeen daneeyayaasha arimaha Somaliland, ujeedka Muuse Biixi in aanu ahayn wax doorasho iyo arimo farsamo oo lagu kala duwanyahay ku saabsan ee ay tahay dagaal doon. Waxa ay dublamaasiyiinta u sheegeen in uu Muuse si qorshaysan uga shaqaynaayo, sidii uu ku abuuri lahaa fursad uu dagaal waddanka kaga dhaco, oo uu isku dayo in uu gaadho ujeedooyin uu ka gaadhi waayay dagaalkii 1994. Safiirada wadamada Yurub iyo ku xigeenka safiirka Maraykan ee Nairobi jooga ba warkaas ayaa ay u faahfaahiyeen, wadamadii ay la kulmeen na waxa ay go’aansadeen in ay bishan December 18 keeda wafti Hargeysa u diraan, kuwaas oo laba maalmood waddanka joogi doona. Waddamada ay la kulmeen waxa ay u cadeeyeen, in aanay xajadu ahayn marnaba doorasho la isku diidanyahay, because khilaafaadkii ku saabsanaa Gudiga doorashada waxa la dhameeyay bishii July ee sanadkan, kolkaas oo la isla meel dhigay wixii la isku diidanaa, ka dib na uu Muuse furfuray wixii oo dhan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this