Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab Mahiigaan Ah Oo Saamayn Ku Yeeshay Isku Socodka Gaadiidka Iyo Isgaadhsiinta Oo Ka Da’aya Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Roobab dabaylo xoogan watta ayaa 24kii saacadood ee lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanada Puntland, roobabkaan ayaa saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo isgaadhsiinta deegaanada oo qaarkood ay hawada ka maqantahay.

Roob-ka-da.ay-dhoobley-1024x682.jpg

Weli si rasmi ah looma oggaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay roobabkaan maadama weli ay da’ayaan, 5 doonyood oo kuwa kaluumaysigga ah ayay baddu la tagay Deegaanka Ceelaayo ee Gobolka Sanaag, Murcanyo, Caluula, Xaafuun, Bayla & Garacad weli wax xog ah oo dhamaystiran lagama hayo, Sidoo kale weli khadka taleefoonka ayaa ka go’an Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Wasaarada Puntland ayaa ka digaya khataraha roobabkaan, waxay sidoo kale dawlada joojisay isu socodka gaadiidka, dadweynaha ayaa looga digay in ay ku safraan toggaga iyo dhulalka hoose ee biyo mareenka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this