Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo dagaal-yahano qoris cusub wadda xilli ay wajahayso cadaadis

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay waddo dagaal-yahanno qoris cusub xilli dhanka kalena ay wajahayaan cadaadis xooggan.

Saraakiisha ayaa sheegay in Al-Shabaab degaanada ay maamulaan dadka ku nool ay ku amreen in ay keenaan dhalinyaro u dagaalama, hub iyo nooca fudud ee qoryaha dagaalka.

Falkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degaanka Geel-Gub oo ka tirsan Shabeellada Dhexe oo ay dhawaan galeen Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa laga qaaday hub, qoryaha dagaalka iyo dhalinyaro u dagaalanta, sidoo kale xoolo nool ayaa laga qaaday dad kaqaar.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhaqaalaha ay haystaan ay u saamaxeyso Al-Shabaab inay dagaal-yahanno cusub qortaan.

Al-Shabaab ayaa hadda canshuur ka qaada dhammaan ganacsiyada Muqdisho, iyo sidoo kale dadka guryaha dhsinaya ama iibsanaya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Guddiga Khuburada QM ee Soomaaliya.

“Dhaqaalo farabadan oo ay helaan Al-Shabaab waxay geliyeen dhanka ciidanka waxayna qorteen maleeshiyo badan oo ay rabaan in ay ku dagaal tagaan”ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin.

“Xogta aan helnay waxay sheegeysaa, in Al-Shabaab ay dhaqaalo xoog leh geliyeen dib u dhiska ciidankooda gaar ahaan kooxda weerarada, kuwa qaraxyada iyo kooxda sirdoonka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka.

Inkasta oo dhaqaale badan uu soo galo, haddan Al-Shabaab ayaa dhanka kale waxaa haysta cadaadis xooggan oo kaga imanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka oo dagaal-yahanno badan looga dilay, loogana saaray dhowr magaalo.

Dowladda ayaa sidoo kale ku guuleysatay inay yareyso qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxdan ka fulin jirtay Muqdisho, kadib markii la xoojiyey sirdoonka. Sidaas darteed, waxaa suurta-gal ah in ciidan qorista badan ee Shabaab ay taas jawaab u tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this