Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan qaybo kamid ah Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ay xiisad xoogan ka taagan tahay degaanka Af-barwaaqo.

Xiisadda ayaa waxay ka dambeysay markii shalay uu halkaas ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay laba maleyshiyaad oo hubeysan.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaya in sidoo kale dadka ay ka cabsi qabaan in mar kale uu dagaal qarxo, maadaama saan-saan colaadeed ay muuqaneyso.

Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in ay socoto dedaaladda la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddan aadka culus.

Odayaal dhaqameedyo ku baxay xiisaddan ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dedaalayaan sidii ay dejin lahaayeen xaaladda oo lagu qeexay mid kacsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this