Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka kala socda DF iyo Imaaraadka oo Muqdisho ku kulmay xiriirka labada dal uu liito + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho xilli xiriirka labada dal uu aad u xun yahay

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa saaka aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Qoraalka ayaaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga labada dal, taasi “oo ka qeybqaadanaysa kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.”

Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale.

Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad isugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo rrgada Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka.

Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo.

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo muddo aan lagu arag saaxadda siyaasadda Soomaaliya, ayaa labadii bishan ka soo muuqday munaasabaddii xarigga looga jarayay Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho.

79168976_2509605415951672_33162294227380 79318737_2509605392618341_35173538205626 78588901_2509605765951637_40233146088475 78596811_2509605915951622_22389551384609 79364854_2509606059284941_67485405500827

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this