Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICC Oo Bilowday Dhageysiga Danbiyo Dagaal Oo Loo Haysto Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka Aduunka ee (ICC) ayaa bilowday saddex maalmood oo dhageysi ah oo ku aadan danbiyo dagaal oo Mareykanka ka sameeyay wadanka Afghanistan.

15755593584ad87.jpg

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa diiday bishii April ee sannadkaan codsi ay u gudbisay dacwad soo oogaha guud ee maxkamada ICC.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyo suuragalnimada tacaddi bani aadanimo oo Millatariga Mareykanka iyo kuwa Afghanistan ay gaysteen intii u dhaxeysay sannadkii 2003-dii illaa 2004-tii.

Garsoorayaasha ayaa maalintii arbacada ee shalay u ogolaaday qareenada in baadhitaan lagu sameeyo dambiyada Mareykanka oo hore ay u diideen.

Qareenka lagu magacaabo Fergal Gaynor ayaa sheegay in maalin Taariikhi ah ay tahay in lagala xisaabtamo Mareykanka danbiyada uu galay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this