Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo Islow iyo Oomar ka dalbaday inay jawaab cad ka bixiyaan xayiraadii Xasan Shiikh iyo Sh. Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa lagu wadaa in wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay hortagaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirrada loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

Labadan wasiir ayaa su’aalo ku aaddan sababaha loo xayiray xildhibaan Daleys Xasan Aadan iyo madaxweynayaashii hore ee soomaaliya iyo xayiraaddii la saaray kal hore duulimaadyada aadaya magaalada kismaayo weydiinaya xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo horay u dalbaday in wasiirradaan horyimaadaan golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu wasiirrada amniga iyo gaadiidka ka dalbaday in ay yimaadeen kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka maalinta Axadda ah ee soo aaddan.

Xayiradii la saaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh ayaa dood kulul ka dhex abuurtay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this