Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshinka Xil Ka Qaadista Trump Oo Caddeyn Xad-dhaaf Ah Loo Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Caddeynta loo helay xil ka qaadista Donald Trump ee ah in uu awoodda xafiiska si xun u adeegsaday, waa mid xad-dhaaf ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen guddiga baadhitanka ku sameynaya madaxweynaha Mareykanka.

Trump.jpg

Madaxweynaha wuxuu adeegsaday siyaasad ku saleysan dano shakhsiyadeed “oo aan ahayn danaha qaranka Mareykanka”, ayaa lagu xusay warbixin muhiim ah oo loo diray Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Wuxuu sidaas sameeyay isagoo “faragelin dibadeed ka dalbaday” Ukraine, si ay uga caawiso in dib loo doorto 2020-ka, ayaa ku xusan qoraalka.

Ujeedada warbixinta waxay tahay in xafiiska laga saaro madaxweyne Donald Trump.

Wuxuu Trump beeniyay in uu qalad sameeyay, wuxuuna baadhitaanka ku tilmaamay ugaadhsi xun oo isaga ka dhan ah.

Ka hor inta aanan la shaacin warbixinta qabyada ah, Madaxweynaha oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga wuxuu weeraray Dimuquraadiyiinta hor-kacaya baadhitaanka oo uu ku tilmaamay “kuwo aan wadaniyiin ahayn”.

Ka dib markii la daabacay qoraalka caddeynta ah, Afhayeenka Aqalka Cad, Stephanie Grisham, wuxuu yidhi Dimuquraadiyiinta “waxay gebi ahaanba ku fashilmeen soo bandhigidda cadeyn muujineysa in khalad la sameeyay” iyo in warbixinta “ay muujineyso jahwareerka iyaga haysta oo keli ah”.

Warbixinta waxaa hadda loo gudbinayaa Guddiga cadaaladda ee Aqalka Wakiillada kuwaas oo Arbacada billaabi doona hannaanka, waxayna eegayaan in mooshin dhab ah oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Trump ay soo bandhigaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this