Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud Ee Qarammada Midoobay Oo Qoddob Somaliland Khuseeya Ka Horjeediyey Golaha Ammaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay António Guterres, ayaa warbixin dheer oo uu ka jeediyey Golaha Ammaanka 2dii Bishan December, waxa uu ku soo qaaday qoddob ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland.

036549-antonio-guterres-120319.jpg

Warbixintaas oo aad u dheerayd waxa uu kaga hadlay wax loogu yeedhay geedi-socodka iyo horumarka Soomaaliya, waxase ku jiray qoddob khuseeya Somaliland oo Xoghayaha Guud uga warramay Golaha Ammaanka.

Warbixinta António Guterres oo la sheegay in la diyaariyey muddadii u dhexaysay 5tii Bishii August ilaa 4 November ee sannadkan. Waxaanu tilmaamay inuu dhicisoobay mooshinkii la doonayey in lagu kordhiyo xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxaanu yidhi “Mooshin lagu doonayey in wax lagaga beddelo Xeerka Doorashooyinka, isla markaana lagu kordhin lahaa xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland oo 7dii Xubnood laga dhigayey Sagaal Xubnood ayaa guul-daraystay.”

“Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku guubaabiyey xisbiyada mucaaridka in doorashada Baarlamaanka lagu galo 7dii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka si hore loogu sii socdo,”ayuu yidhi António Guterres.

Waxa kaloo Xoghayaha Guud QM uu warbixintiisa intaas ku daray 6dii October ee la soo dhaafay, wadaxaajood uu la yeeshay waxgarad beeleed kadib madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyey dhammaan xubnaha la socday Col. Siciid Cawil Caare oo ka falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland sannadkii 2018kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this