Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo Muqdisho lagu qbatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inuu qorsheynayey in weerar uu ka fuliyey M/Muqdisho.

Hay’adda nabad sugida ayaa baahisay sawirka ninkaasi oo ay sheegtay in la qabtay xilli uu doonayey inuu tuuro bamgacmeed.

Ma shaacin hay’adda NISA magaca ninkaasi iyo halka uu doonayey inuu weerarka ka qaado.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska NISA.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan qabashada ninkaasi.

Muddooyinkii dambe ciidanka dowladda ayaa laba jibaaray howlgallada amniga lagu sugayo ee M/ Muqdisho, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this