Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Farriin Hambalyo Ah U Dirtay Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku bogaadisay dawladda Imaaraadka Carabta xuska maalintooda qaranimada dalkaasi oo 2-da December oo shalay ku beegnayd.

uae-embassy-in-beirut-cancels-national-d

Dhambaal hambalyo ah ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ku baahiyey bartiisa Twitterka, kaasi oo u qornayd sidan:-

“Xukuumadda JSL waxa ay si niyadsai ah ugu hambalyeynaysa Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, Maamuleyaasha iyo shacabka Imaaraada Carabta munaasibadda maalinta qaranimadooda.

Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL sheegay inuu u rajaynayo Imaaraadka Carabta inay ku naaloodaan nabadda iyo barwaaqada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this