Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaaddin Maraykan ah oo ka tirsan Al-shabaab oo madaxiisa la dul-dhigay $5 Malyan

Recommended Posts

Deeq A.   

FBI-da Mareykanka ayaa ku celisay abaal-marin shan milyan oo dollar ah oo la siinayo ciddii keenta xog sahli karta in gacanta lagu dhigo nin haysta dhalashada Mareykan ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Saxaafadda waddanka Mareykanka ayaa soo tebisay in  Jehad Serwan Mostafa oo 37 jir ah ahna muwaadin Mareykan ah uu yahay xubin sare oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha FBI-da ee qeybta magaalada San Diego ee gobolka California oo shalay dacwado kusoo oogay Mostafa ayaa ku eedeeyey inuu taageero siiyey kooxda Al-Shabaab oo Mareykanka u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Sidoo kale saraakiisha ayaa rumaysan in Mostafa uu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya islamarkaana uu kaalin muuqata ka ciyaaro qorsheynta hawl-gallada Al-Shabaab ay ka fuliyaan  koonfurta  Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Muwaaddin Maraykan ah oo ka tirsan Al-shabaab oo madaxiisa la dul-dhigay $5 Malyan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this