Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Diiwaanka xogta shaqaalaha dowladda oo lagu soo daray nooca dhiiggooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Keydka diiwaanka shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaa loo rogayaa mid online ama digital ah, waxaana lagu soo daray in la ogaado xogta nooca dhiigga (blood group) ee qofka.

Dhammaan shaqaalaha dowladda ee diwaan gashan ayaa dib loogu laabanayaa feelashooda waxaana kadib lagu darayaa nuuca dhiigga qofka, ayada oo shaqaalaha ay foomka ay buuxinayaan ku qoran tahay meel ku sheegayaan nooca dhiigga.

Shaqaalaha ayaa markii hore la ogeyn nooca dhiggooda, waxaase hadda lagu soo daray arrintaas, sida ay noo sheegeen xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qorshahan ayaa qyeb ka ah dib u laabasho guud oo lagu sameynayo dhammaan shaqaalaha dowladda, si qof kasta looga hayo xog buuxda oo aan wax shaki ah ku jirin.

Arrintan ayaa qeyyb ka ah sugdidda amniga, waxaana ujeedku yahay in cid kasta oo lagu tuhmayo xiriiro kooxaha argagixisada ah laga saaro dowladda.

Shaqaalaha ayaa horey loogu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay damiin ka noqdaan odayaal iyo xildhibaanno ku beel ah, si dhammaan shakiyada jira meesha looga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this