Sign in to follow this  
Deeq A.

Xusuus: 10 Sano iyo Qaraxii Shaamo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta waxaa 10 sano laga joogaa markii uu qarax ka dhacay Hotel Shaamo, waa markii ugu horeysay ee qarax noocaas ah uu ka dhaco dalka, laguna dilo mas’uuliyiin intaasi la eg.

Haddaba, Maxaa Dhacay?

Waxaa weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho, waxaa Hotel-ka xilligga la isku qarxiyay ka socotay xaflad qalin jabin ah Arday cilmiga caafimaadka ka soo bartay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho, Qaraxaas waxaa ka dhashay Khasaare culus, waxaa isla goobtii ku dhintay in ka badan 20 qof oo isugu jiray Arday, Mas’uuliyiin iyo dad kale oo halkaasi ku sugnaa.

Mas’uuliyiintii weerarkaasi ku dhintay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Caafimaadka Qamar Adam Cali, Wasiirii Taclinta Sare Prof. Ibrahim Xassan Caddow , Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirkii Waxbarashada, Dr. Shahiid, waxaana markaasi ku dhaawacmay Wasiirkii Cayaaraha Saleebaan Colaad Roooble.

Wariyayaasha dhintay waxaa ay ahaayeen: Xasan Zubeyr Xaaji Fantastic oo ahaa Cameraman u shaqeynayay TV-ga Al-Carabiya iyo Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacadda Shabeelle.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this