Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: 30 sano ka dib oo dib loo furay Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15753170106772767.jpg?w=1000&ssl=

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Muqdisho dib uga furay Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo xirnaa tan iyo Qaran jabkii 1991.

Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka oo hoostaga Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya waxaa xaruntiisa lagu sameeyey dib u habeyn iyo qalabeyn ballaaran oo maalgaliyey sanduuqa hormarinta Qadar.

FB_IMG_15753036863245682.jpg?w=1000&ssl=

Dib u furida mac-hadka ayaa loo sameeyey xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo iyo safiiro ka socdo caalamka, gaar ahaan wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya.

FB_IMG_15753169420757459.jpg?w=1000&ssl=

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyey dib u dhiska Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey dowladaha Soomaaliya ka taageeraya tababarka diblomaasiyiin lagu siinayo mac-hadkan.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Mac-hadku uu suurta galin doono kor u qaadida iyo tayeynta diblomaasiyiinta, sidoo kalana u gacan weyn ka geysan doono dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

FB_IMG_15753066339926723.jpg?w=1000&ssl=

Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka intii aan la furin xiriir la sameeyey dalal iyo macaahid badan oo ay ka mid yihiin Mac-hadka diblomaasiyadda Marooko, Mac-hadka diblomaasiyadda Masar, Mac-hadka diblomaasiyadda Qadar, Mac-hadka diblomaasiyadda Suudaan, Mac-hadka diblomaasiyadda Jabuuti,
Mac-hadka diblomaasiyadda Itoobiya, Mac-hadka diblomaasiyadda Kenya, Mac-hadka diblomaasiyadda Turkiga iyo Mac-had ku yaalla Sweden.

FB_IMG_15753170532108072.jpg?w=1000&ssl=

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay xiriir la sameyn doonaan jaamacado badan oo adduunka ku yaalla, si ay waxbarashada dheer uga taageeraan.

Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa markii ugu horreesey la asaasay 1986.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: 30 sano ka dib oo dib loo furay Mac-hadka diblomaasiyadda Qaranka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this