Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Markale Ku Guulleysatay Kursi Muhiim U Ah Shuruucda Badaha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa markale ku guuleystay kamid ahaanshaha golaha caalamiga ee hey’adda badaha adduunka.

109968430_7d6780dc-e50e-49f4-9050-cc6fd8

Kenya oo horay uga mid ahayd golahan ayaa hataan waxaa ay markale fursad u heleysaa dejinta shuruucda caalamiga ah ee badaha oo ay ku dhaqmaan maraakiibta dunida.

Doorashada Kenya loogu doortay kamid ahaanshaha hey’adan oo maalama kahor ka dhacday Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeybqaatay 174 dal, waxaana Kenya ay ku guuleysatay in markale ay dib uga mid noqoto golahaas.

Kenya ayaa hataan katirsan qeybta C ee hey’adda IMO oo ay ku wada jiraan 20 dal oo ah kuwa danaha gaarka ah ka leh arrimaha badda, gaar ahaan hagida maraakiibta adeegsada badaha.

Hey’addan ayaa kala leh qeybo kala duwan, waxaana Kenya ay qeybta C ka wada tirsan yihiin dalalk badan oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin dalalka Morocco, Koonfur Africa, Liberia iyo Masar.

Dalalka leh danaha gaarka ah


Xoghayaha joogtada ee Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha badda, Nancy Karigithu ayaa wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa Kenya u sheegtay in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay gaadiidka badda ku safra, maadaama ay sheegtay in Kenya ay ku taaloo gobol istaraatejik ah oo geeska Afrika, taasna ay ka dhigeyso mid muhiim u ah in ay ka qeybqaadato arrimaha la xiriira badaha.

“In markale dib la inoo doorto waxay xaqiijineysaa wakiilka aan ka nahay geeska Afrika iyo dalalka harooyinka waaweyn oo ay kmid yihiin Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Jabuuti, Eritrea, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Tanzania iyo Uganda,” ayay tidhi Nancy.

Golahan ayaa labadii sanaba mar yeesha shirweyne, waxaana ay isla nidaamiyaan qaabka loo wada shaqeynayo, miisaaniyadda ku baxeysa hey’addaas iyo sidoo kale doorashada 40-ka xubnood ee kamid noqonaya hey’adda.

Hey’addan oo hoos tagata Qaramada Midoobay ayaa shaqada ugu weyn ee ay qabato waxay tahay in ay dejiso nidaamka iyo xeerarka lagu dhaqo badaha caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this