Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga cadaaladda oo ka digay faragelinta ay dowladda Itoobiya ka wado SOMALIA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga cadaaladda iyo horumarka oo uu hoggaamiyo, Xasan Maxame Xuseen (Muungaab) ayaa ka digay faragelin uu sheegay in dowladda federaalka Itoobiya ay haatan ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in Itoobiyo ciidamo aan ka mid aheyn AMISOM ay ku daabuleyso gobollada Gedo iyo Galgaduud.

Sidoo kale xisbiga ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku tumaneyso, kuna xadgubeyso Dastuurka iyo shuruucda u taalla dalka.

Xisbiga cadaaladda iyo horumarka ayaa xusay in dowladdu dano siyaasadeed ay u adeegsaneyso ciidamada Qaranka iyo kuwa Itoobiyaan ah oo aan ka mid aheyn howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaq milatari laga dareemayo gobolka Gedo iyo Dhuusamareeb oo la geeyey ciidamo ka socda dalka Itoobiya.

munos.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this