Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BFS oo ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saacadaha soo socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku wajahan xildhibaano ka tirsan labado gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari).

Sidoo kale xubnaha labada gole ee ku wehlinaya socdaalkan ayaa kala ah, Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)J awaahir Axmed Cilmi, Dhagay Geele Ugaas, Saciid Nuur (Gariish) iyo Mustafa Sheekh (Dhuxulow).

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay dhex dhexaadin lahaayeen dhinacyada weli isku haya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug.

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha December ee beri bilaabaneyso, iyadoo baarlamaan iyo madaxweyne cusub la dooran doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this