Deeq A. Posted November 30, 2019 Waxaa saacadaha soo socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku wajahan xildhibaano ka tirsan labado gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari). Sidoo kale xubnaha labada gole ee ku wehlinaya socdaalkan ayaa kala ah, Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)J awaahir Axmed Cilmi, Dhagay Geele Ugaas, Saciid Nuur (Gariish) iyo Mustafa Sheekh (Dhuxulow). Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay dhex dhexaadin lahaayeen dhinacyada weli isku haya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha December ee beri bilaabaneyso, iyadoo baarlamaan iyo madaxweyne cusub la dooran doono. View the full article Share this post Link to post Share on other sites