Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Al-Bashiir Oo Laga Mamnuucay Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga madaxweynihii Suudaan ee talada laga eryey ee Cumar Al-Bashiir ayaa Jimcaha maanta ah canbaareeyey waxa ay ugu yeedheen “xukuumadda aan sharciyadda laheyn” ee Suudaan ka dib markii ay dowladdu amartay in albaabada loolaabo xisbigaasi iyo baabi’inta nidaamkii Al-Bashiir ee dalkaasi soo xukumayay muddo 30 sano ah.

Maamulka cusub ee Suudaan ayaa Khamiistii meel mariyey sharci cusub oo amraya in Xisbiga National Congress Party lakala diro, lala wareego hantida xisbiga, iyo in nidaamkiisii la baabi’iyo sida ay dalbadeen dhaqdhaqaaqa mudaaharaadayaasha ee horseeday in Bashiir la eryo bsihii April ee sannadkan.

Hogaamiyeyaasha Xisbiga Al-Bashiir ee loo soo gaabiyo NCP ayaa ku eedeeyey dowladda iney isku dayayso sidii ay kula wareegi lahayd hantida xisbiga si ay ula tacaasho dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta taasi oo ay sheegeen iney dowladdu ku fashilantay maareynteeda.

Golaha cusub ee xukunka haya iyo golaha wasiirada ee uu hogaamiyo ra’isulwasaare Abdalla Xamduuk ayaa ku meel mariyay go’aankan sharci cusub oo loogu magacaday “baabi’inta nidaamkii 30-kii June ee 1989-kii.”

Madaxweynihii hore al-Bashir ayaa xukunka dalkaasi afgenbi ay kooxaha islaamiyiintu taageerayeen kula wareegay June 30, 1989-kii isaga oo afgenbiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this