Deeq A. Posted November 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay baaritaan ku sameyneyso kiis ku aadan musuqmaasuq oo ka dhacay Balidoogle. Xafiiska xeer-ilaalinta xeer-beegtadda milatariga ayaa shaaca ka qaadey. in saraakiisha eeda ku jira loo haysto lunsasho qalab iyo dayacaad shaqo. Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda, ayaa tilmaamay in baaritaanka kadib la maxkamadeyn doono taliyeyaasha la eedeeyay. Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili isbedelkii afaraad lagu sameeyay Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab oo saraakiisha ay ka tirsan yihiin. Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gaareen hogaanka cusub iyo waliba Guddi ka socda Maxkamadda Ciidamadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Balidoogle.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites