Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada London ee xarunta waddanka Ingiriiska ku geeriyooday, wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland, Gen Yuusuf Axmed Khayre oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla London.

Geerida Gen. Yuusuf Axmed Khayre, waxaa Puntland Post u xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo xiganaya xubno kamid ah Qoyska Marxuumka, waxaana ay tacsi u direen Eheladii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan umadda reer Puntland ee uu ka baxay Marxuumka.

Ex. Wasiir Yuusuf Axmed Khayre, waxa uu ka soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu kamid ahaa ergooyinkii lagu as’aasay dowladda Puntland sannadkii 1998-dii.

Xilalka uu Puntland ka soo qabtay waxaa kamid aha, in uu soo noqday Taliyaha Booliiska Puntland iyo wasiirka Amniga, waxaana lagu tilmaami jiray in uu ahaa Khabiir dhanka Arrimaha ciidamada ah, islamarkaana uu xilligiisi Dib u-habayn muhiim ah ku sameeyay Booliiska iyo wasaaradda Amnigaba.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this