Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wabiga Shabelle oo sameeyey fatahaad hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Wabiga ayaa ku fatahay deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaasi, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ugu horreeyo guddoomiye, Ibaraahim Aadan Cali (Najax).

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad loo fidinayo dadka ku guryo beelay dadkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay wabiga Shabelle oo qararka jabsaday ayaa fatahaado ka sameynayey deegaano ka kala tirsan maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

IMG-20191126-WA0009 3-70 IMG-20191126-WA0005 IMG-20191126-WA0006

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this