Deeq A. Posted November 27, 2019 (SLT- Kashmiir )-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay weerar bambo gacameed loo adeegsaday oo ka dhacay Ismaamul Kashmiir oo hindiya Maamusho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga. Madaxda laamaha Amniga ayaa sheegay in laba dagaalyahan lagu dilay weerarkaan xilli bilihii la soo dhaafay ay xaalad kacsanaan ah ka jirtay dhulka Muslimiinta tan iyo markii xukuumada Delhi ay bandow ku soo rogtay. Altaf Khan oo ka mid ah saraakiisha booliska ayaa sheegay in koox dabley ah ay bamka koowaad ku soo tuureen ciidanka Amniga balse isla goobta lagu khaarijiyay. Bamka labaad ayaa wuxuu ka qarxay goob Bakhaar oo ku dhow afaafka hore ee laga galo Jaamacada Kashmiir, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo rayid ah sida uu xaqiijiyay sargaal diiday Magaciisa. Dowlada Hindiya ayaa gabi ahaanba ka jartay gobolka Kashmiir adeegyada Internet-ka Isgaadhsiinta 5-tii bishii Agoosto, waxaana arintaan si xooggan u canbaareeyay dowlada Pakistan. Source Share this post Link to post Share on other sites