Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Gobolka Kashmiir

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Kashmiir )-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay weerar bambo gacameed loo adeegsaday oo ka dhacay Ismaamul Kashmiir oo hindiya Maamusho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

15747886645377f.jpg

Madaxda laamaha Amniga ayaa sheegay in laba dagaalyahan lagu dilay weerarkaan xilli bilihii la soo dhaafay ay xaalad kacsanaan ah ka jirtay dhulka Muslimiinta tan iyo markii xukuumada Delhi ay bandow ku soo rogtay.

Altaf Khan oo ka mid ah saraakiisha booliska ayaa sheegay in koox dabley ah ay bamka koowaad ku soo tuureen ciidanka Amniga balse isla goobta lagu khaarijiyay.

Bamka labaad ayaa wuxuu ka qarxay goob Bakhaar oo ku dhow afaafka hore ee laga galo Jaamacada Kashmiir, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo rayid ah sida uu xaqiijiyay sargaal diiday Magaciisa.

Dowlada Hindiya ayaa gabi ahaanba ka jartay gobolka Kashmiir adeegyada Internet-ka Isgaadhsiinta 5-tii bishii Agoosto, waxaana arintaan si xooggan u canbaareeyay dowlada Pakistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this