Sign in to follow this  
Deeq A.

“Bal Ii Sheeg Hadduu Jiro Qof Aan Ku Aamino Xilka Guddoomiyaha Xisbiga, Anigaa Uga Kacaye…” Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanu Aqoonsaneyn Jiritaanka Labada Golle Ee Guurtida Iyo Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in aanu aqoonsaneyn jiritaanka labada golle ee guurtida iyo wakiillada, kuwaasoo uu sheegay in wakhtigoodii sharciga ahaa uu ka dhammaaday.

FAYSAL.png

“Golaha baarlamaanka iyo guurtidaba waxaan u arkaa inay sharci darro yihiin, waxay soo saaraanna ay sharci darro yihiin. Sharci oranaya guurtidu ha joogto, oo markuu odaygu dhinto inankiisu ha maamulo ma jiro, sidoo kale sharci oranaya baarlamaanka hadduu wakhtiga ka dhaco haloo kordhiyo, oo oranaya ilaa in baarlamaan lasoo doorto ha fadhiyaan isagana ma jiro, arrintaasna waxaa nagu billaabay maamulkii kan ka horreeyay ee Kulmiye”, ayuu yidhi Faysan Cali Waraabe.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay, muranka ka taagan xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada, wuxuuna sheegay inay imika war ka sugayaan guddi dhexdhexaadin ah oo hawshaasi u kacday, taaas oo uu sheegay inuu wanaag iyo is afgarad ka filayo.

Mar Faysal la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in guddoomiyeyaasha xisbiyada qudhooda lagu eedeeyo inay xilka isku dhajiyaan ayuu sheegay in isagu uusan ilaa hadda helin qof uu kursigaas uga nasto.

“Anigu intaas baan ku jiray, haddaan arko qof karti leh, oo xisbiga u qalma, oo sharciga iyo xeerarkiisa fulinaya, waan iska nasan lahayn, laakiin wax nidaam leh oo xisbiga usoo galaya inuu ajandahaas fuliyo Somaliland kuma jiro. Iska daa inay xisbi ku jiraane, Somaliland-ba hadduu maanta ka waayo xil ayuu Xamar tagayaa. Bal ii sheeg hadduu jiro qof aan ku aamino xilka guddoomiyaha xisbiga, anigaa uga kacaya”, ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this