Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Musuq maasuq xoog leh oo ka jira qaybta dad dhigista gobalka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaadashada laaluushka iyo wax isdaba marinta ayaa meeshii ugu sareysay ka gaartay xarunta laga qaato warqadaha dhalashada (dad dhigista) ee dowladda Hoose, halkaas oo loo yaqaano Sugunto Liido.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka inta badan aysan tagin xarunta balse dirsadaan oo kaliya lacag ka badan intii adeega lagu qaban lahaa, waxayna sidoo kale dirsadaan xogta muhiimka ah ee lagu qori lahaa Documents-ka dhalashada kadibna ayagoo xaafadahooda jooga loo keeno dokumentisyadooda. .

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa cadeyneysa in Suulka saxiixa ah uu u saaro qof kale oo aan aheyn midka loo sameynayo dhalashada taas oo ka dhigan qiyaano iyo dembi weyn laakiin kamid noqotay howl-maameedka qayb kamid ah shaqada dowladda.

Sidoo kale maalin gudaheed ayaa dadka lacagta laaluushka bixiya loogu dhameeya shaqada, halka kuwa mara wadada saxda ah ay ku qaadato maalmo dheer helida adeegooda.

Lacagta looga baahan yahay qofka si sax ah usoo mara doonashada adeegdayada laga bixiyo qaybta dad dhigista ee dowladda Hoose waxay gaareysaa 15 dollar, halka kuwa kale ay bixiyaan lacag taas aad uga badan oo marka ku xiran qofka ay la macaamilayaan.

Weriye ka tirsan Caasimada Online oo kamid ah dadka halkaasi adeegga u doontay ayaa yiri. “Kaliya waxaan bixiyay 25 dollar waxaana adeegayga helay 5 saac kadib waxaana fariin qoraal ku doray warbixintayda dhalashada.”

Arrintan ayaa dhibaato ku ah dadka aan jeebka buurneyn ee aan awoodin lacagta dheriga ah, xilli tii sharciga ahaydba ay dhib ku tahay, kuwaas oo mararka qaar maalmo isaga daba noqda halkaas.

Lama hubo sida wax looga qaban doono arrintaan waxaase muuqata in ay halis ku tahay degaanka iyo bulshada Soomaaliyeed waana shaqo muhiiim ah bulshada oo si maalinle ah loo qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this