Deeq A. Posted November 26, 2019 Waxaa inta badan xirmay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay Caasimadda. Inta badan jidadka ayaa waxaa jaray daadadkii ka dhashay roobabkaasi oo da’ayey shalay gelinkii dambe illaa maanta. Sidoo kale waxaa maanta shaqeyneynin gaadiidka loo yaqaano BL-ka ee dadweynaha iyo mootooyinka Bajaajta, maadaama ay jidadku xirmeen. Dhinaca kale roobabkaan ayaa waxaa ay saameyn daran ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yare e ku dhaqan gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah dadkaani oo Shabelle ay la hadashay ayaa sheegay inay heysanin hoy, islamarkaana ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Xaaladda guud ee magaalada ayaa ah mid kala xiran, iyadoo biyo badan ay daadsan yihiin xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites