Deeq A. Posted November 26, 2019 Guddiga gurmadka degdega ah ee maamulka Puntland ayaa maanta kulamo ka bilaabay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa sida loogu gurman karo dadka ay saameeyeen roobabkii ka da’ay maamulkaasi. Wasiirkaw wasaaradda howlaha guud iyo guriyeeynta Puntland, ahna guddomiyaha guddigaasi, Axmed Bashiir Muuse oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey kulamadaasi iyo waxyaabihii looga hadlay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cccccc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites