Sign in to follow this  
Deeq A.

Xohayihii Ciidanka Badda Mareykanka Oo Shaqada Laga Eryey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Mark Esper ayaa shaqada ka eryey Xoghayaha Ciidanka Badda Richard Spencer, arrin la xidhiidha askari ciidanka Navy-ga ka tirsanaa oo lagu eedeeyey inuu dambiyo dagaal ka geystay dalka Ciraaq.

E9E027A7-717F-4B6F-A016-49BF65E6D5C2_cx0

Esper ayaa amarkan bixiyey Axaddii shalay, iyada oo Spencer uu warqaddii is casilaadda gudbiyey, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jonathan Hoffman.

Arrintan ayaa la xiriirta sarkaal lagu magacaabo Edward Gallagher, kaas oo lagu tuhmay inuu dambiyo dagaal ka geystay Ciraaq, sanadkii 2017-kii. Waxaa laga cafiyey dambiyo kale oo uu geystay oo dil uu ku jiro, iyada oo lagu helay dambi ah inuu isku ag sawiray meydka wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ururka ISIS, markaas ka dibna darajadiisii hoos loo dhigay.

Hase yeeshee, Madaxweyne Trump ayaa soo fara galiyey, cafisna u fidiyey sarkaalka, iyada oo darajadiisii iyo mushaharkiisba loo soo celiyey.

Markii toddobaadkii hore uu Trump ogaaday in ciidanka Navy-gu uu qorsheynayo in arrintan Galaghar dib loo eego, si loo go’aamiyo inuu sii haysan karo billadda lagu magacaabo Trident Pin, taas oo muujinaysa inuu xubin ka yahay unugga kumandoska ee xulka ah ayaa mar kale Trump uu arrinta soo faragaliyey.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “Navy-gu kama qaadi doonaan Addie Galagher oo ah dagaalyahan ciidanka Navyga ka tirsan billaddiisa Trident Pin. Kiiskan si xun baa loo maareeyey bilowgiiba. Shaqadaada ku noqo.” Ayuu qoray Madaxweyne Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this